Moqdisho lagu soo Dhaweeyay Wafdi ka socday Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland

Moqdisho lagu soo Dhaweeyay Wafdi ka socday Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland

Wafdi ka socday Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland oo dhowaanahan shaqo u joogay caasimada Dalka ee Muqdishu ayaa caawa kulan la qaatay Aqoonyahanka iyo Dhallinyarada reer Puntland ee ka shaqeeya Wasaaradaha & Hay’adaha Dowlada Federaalka, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Ganacsiga ku leh. Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Sanaag waxaana Warbixin dhinacyo badan taabanaysa soo jeediyey Guddoomiyaha Dallada PUNSAA Abdirahman Abdirisak Abdirahman isagoo si gaar ah u dul istaagay xaalada gobolka Sool/ Laascaanood iyo Kaalinta Bulshada rayidka ah ay ku leedahay gurmadka qoysaska colaadu saamaysay iyo u qareemista dadka soo barakacay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimada ay leedahay iskaashiga iyo kor u qaadida Wacyiga Aqoonyahanka iyo dhallinyarada.

Kasoo qaybgalayaasha kulanka ayaa dhankooda ka warbixiyey gurmadka ay ufidiyeen dhaawacyadii la keenay caasumada iyo deeqaha ay u aruuriyeen, waxay sidoo kale ka hadleen mowduucyo kala duwan iyadoo su’aalona ay waydiiyeen Wafdiga ka socday PUNSAA.

kasoo qaybgalayaasha kulanka ayaa ballanqaaday sii xoojinta iskaashiga, u qareemista Dhallinyarada Shaqadoonka ah, sii wadadi gurmadka Laascaanood gaar ahaan dhaawacyada iyo guud ahaan kor u qaadista Wacyiga iyo garaadka dhallinyarada.

Ugu dambayntii waxaa kulanka soo xiray Agaaismaha guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka Mudane Abdirahim Warsame

Previous The New Chairman and his Deputy Elected for PUNSAA

Leave Your Comment

Connect With Us

Ministries Road, Near IMC Puntland, Garowe, Puntland, Somalia

City News & Updates

The latest Punsaa news, articles, and resources, sent straight to your inbox every month.

PUNSAA © 2022. All Rights Reserved