Tariikh:20/01/2018

War Murtiyeed

Hordhac

Bisha Janaayo 19 -20, 2018 waxa guddiga gaar ka ee maamulka loo dhan yahay bulshada rayidka ah ee  (PUNSAA) soo qaban qaabiyeen  shir wada tashi oo ay ku kulmeen magaalada Garoowe dhamaan hay’adaha daneeya maamul wanagga iyo dimuqraadiyeynta, oo ay ka mid ahaayeen Wasaaradda Dastuurka iyo Dimoqraadiyenta Puntland, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddiga Ku Meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, dhalinyarada , aqoonyahanada, ururada haweenka, saxaafada , iyo ganacsatada.  Kulankas oo ahaa tala wadaag iyo is xog waraysi la xiriira sida ugu habboon ee loo xulan karo xildhibaanada doorashada Puntland ee 2019,waxaana talooyin iyo fikrado kala duwan soo jeediyey ka qayb galayaasha shirkan wada tashiga.

  Dhibaatooyinka  jira

Is xogwaraysi kadib waxaa la garwaaqsaday in habka loo soo xusho xildhibaanada Puntland ay tahay mid aan hagaagsanayn  balse lagu soo caano maalay, haddana ay tahay waqtigii la heli lahaa habka ka habboon midkan ay odayaal dhaqameedyada soo xulaan xildhibaanada.

Si looga gudbo dhibaatooyinkan

Si xal loogu helo dhamaan dhibatooyinka aan kor ku xusnay waxa shirka wada tashigu isla gaaray in la fuliyo talo soo jeedinahan hoos ku qoran:

Talo Soo Jeedin:

  1. waxaa lays ku raacay in lahelo ka go, naasho dhinaca dawlada iyo bulshada rayidka  oo ah sidii looga guurilahaa nadamka aynu kusoo caano maal nay ee odaayaasha dhaqanku kusoo Xulijireen xildhibaanada.
  2. in ladardar geliyo nala dhiiri geliyo abuurista urrada siyaasiga ah, oo looga gol leeyahay sidii loga gudbilahaa xisbiyo siyaasi ah, iyo doorashooyin xora, ku salaysan hal qof iyo hal cod
  3. Xildhibaanada kasoo baxaya Gobol walba, waxaa dooranaya cadadad ah oo tiradoodu le’egtahay wadarta guud ee xildhibaanada gobolkaas oo lagu dhuftay Toban, kana kooban qaybaha kaladuwan ee bulshada sida (nabadoonada, haweenka, aqoonyahanada, dhaliyarada, iwm)
  4. Waxaa shirku kula taliyey Dalladda PUNSAA inay ku metasho bulshada dardargelinta gaarista hadafka isxukunka dadka ( Democarcy)
  5. Shirku waxuu kutalo bixiyey, in nadaamka isxukunka dadka laga bilaabo doorashooyinka ugu soo horeeya ee Golayaasha degaanka si weyna loo gu diyaar garoobo.
  6. Shirku waxa uu ku taliyey si loogaaro habka isxukunka dadka, waa in la dardargeliyaa dhamays tirka maxkamada tastuuriga ah, calamadaynta xuduudaha degmooyinka, iyo gobolada, tira koobka iyo diwaan gelinta muwaadiniinta puntland.
  7. Si loogaaro habka is xukunka dadweynaha shirku waxa uu ku taliyey in lasameeyo wacyigelino baahsan oo laxiriirta saray uqaadida aqoonta shacabka ee dhinaca isxukunka.
  8. Shirku waxa uu kutaliyey in dib u,eegis lagusameeyo dastuurka puntland iyo kan dawlada fedaral ka ah loona turxaan bixiyo, si cadna loogu muujiyo hab uu ula jaanqaadi karo nadaamka isxukunka dadweynaha, lana iswaafajiyo.

Gudoomiyaha Dallada Bulshada Rayidka (PUNSAA)

Faisal Ahmed Warsame