Date:   11/02/2018

 

Guddiga agaasinka ee Dalladda PUNSAA oo shirkoodii Saddex bilood laha ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe 10th ilaa 11th February, 2018 ayaa soo saraay Baaq ka kooban qodobo dhawr ah oo ay ku muujinayaan dareenkooda.

  1. Bulshadda rayidka ah ee Puntland waxay walaac ka muujinayaan dhibaatooyinka bulsho, barakaca, dhaqaale burburka iyo nolol xumida ka dhalatay xiisada collaadeed ee Tukaraq, waxayna ku baaqayaan in labada dhinac ay arrinta wada hadal ku dhameeyaan

 

  1. Bulshadda rayidka ah ee Puntland waxay ugu baaqayaan dowladda Puntland, dadka hantida haysta, hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamkuba in ay ku baraarug sanaadaan xaaladda daran ee abaareed ay mar kale wajahayso Puntland, iyadoo roobkii dayrtu uusan helin intabadan dhulka Puntland, isla markaasna inta badan xoolo dhaqatada gobolladu ay wajahayaan biyo iyo cunto yaraan.

 

  1. PUNSAA waxay bogaadinaysaa geedi socodka guddiga doorashooyinka Qaranku ay ugu jiraan in la gaaro doorashooyin qof iyo cod ah 2020/2021, arrintaas oo ahmiyad gaar ah u leh maamul-wanaagga iyo dimuqraadiyadda, si gaar ah waxay dalladu u xusaysaa socdaalkii xubno ka mid ah guddigu ay ku mareen gobolladda Puntland kuna arruuriyeen afkaarta waxgaradka iyo aqoonyahanka ee ku aadan geedi socodkaas muhiimka ah.

 

  1. PUNSAA waxay boggaadinaysaa dadaalka iyo iskutashiga bulshadda rayidka ah ee Puntland gaar ahaan reer Boosaso ay ku badbaadinayaan hantida saaran doonta ku caariday xeebta Boosaso.

 

  1. Bulshadda rayidka ah ee Puntland waxay walaac ka muujinaysaa u diyaar garow la’aanta masiibooyinka deg deg ah waxayna kula talinaysaa dowladda in loo diyaar garoobo sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinkaas xilliga ugu haboon.

 

WABILLAAHI TOWFIIQ.

Mustafe Abdullahi Abdi

Gudoomiye Ku-xigeenka Dallada PUNSAA

gudiga agaasinka PUNSAA oo War murtiyeed soo saaray 11.02.2018