WAR- MURTIYEEED

Dalladaha SOSCENSA iyo PUNSAA oo ay ku midaysan-yihiin qeybaha ugu badan ururada bulshada rayidka ah ee kajira Soomaaliya, ayaa dood adag ka yeeshaay xaaladda cakiran ee ka jirta gayigga Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka dhex jra xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Dood dheer kadib, Laba Dalladood waxa ay si wadajir ah usoo saareen War-Murtiyeed ka kooban qoodbada soo socda :-

  1. Dalladaha waxa ay aad uga walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Hey’adaha Sharci dejinta iyo Fulinta iyadoo ay u arkaan in khilaafka xiligan ku soo beegmay uu yahay mid dhabar jab ku ah geedigga dowladnimo ee Soomaaliya
  2. Ururada bulshada rayidka ah waxa ay ugu baaqayaan madaxda dawladda federaalka ah in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo sida ugu haboon ee danta shacabka Somaaliyeed ku jirto, danta gaar ahaaneedna laga hormariyo danta guud.
  3. Waxa ay sidoo kale ugu baaqayaan golaha shacabka oo ah wakiilada ummadda Soomaaliyeed in ay waajibaadka saaran u gutaan si wadani- nimo ah, ALLE ka cabsina ku jirto
  4. SOSCENSA iyo PUNSAA waxa ay xal u arkaan in si daah-furan loo qabto kulanka codka kalsoonida u qaadidda ee guddoomiyaha baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya loona dhameeyo khilaafka taagan.
  5. Dalladuhu waxa ay baaq u dirayaan Xukuumada iyo Golaha shacabka oo ku aadan tixgelinta iyo u hogaansanaanta Dastuurka Dalka.
  6. Dalladuhu waxa ay usoo jeedinayaa in golaha shacabka iyo xukuumaduba ay u ogolaadaan bulshada rayidka in ay goob joog ka noqdaan qaabka hawsha ay u dhaceyso
  7. Waxa ay ka digayaan in hantida qaranka lagu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya Golayaasha Dowlada
  8. Waxa ay xasuusinayaan madaxda qaranka in khilaafka hadda jira uu niyad- jab ku yahay himmilada ummada Soomaliyeed, sidoo kalena uu dhaawacaya horumarkii la gaaray muddadi lasoo dhaafay.
  9. Ugu dambayntii waxa ay ugu baaqayaan mas’uuliyiinta dowlada in ay dhageystaan isla markaana ay qaataan tallooyinka bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo xalliyo khilaafka taagan.

Wabilaahi Towfiiq 

Diini Maxamed Diini                                                                Faysal Axmed Warsame

Guddoomiyaha Dallada SOSCENSA                                      Guddoomiyaha Dallada PUNSAA

War-murtiyeed ay soo saareen dalladaha bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSAA.doc