Ururada aan dawliga ahayn ee ay midayso daladda PUNSAA ayaa kulan wada tashi ah oo ku saabsan Habka Maaraynta Xisaabaadka Dawladda iyo Doorka Bulshada Rayidka ah kula yeeshay madaxda wasaaradda maaliyada dawlada Puntland oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaraddu magaalada Garowe, 23 kii ilaa 24 kii bisha November ee sanadkaan 2017. Kulankaan wadatashi oo ahaa mid aad iyo aad muhiim ugu ah bulshada reer Puntland oo looga hadlaayey habka Maaraynta xisaabaadka Dawladda Puntland (Public Financial Management-PFM) taasoo su’aalo aad u muhiim ah lagu waydiiyay madaxada wasaarada iyagoo uga jawaabay si daahfurnaani ku dheehantahay .

PFM_Warmurtiyeed_PUNSAA-(23-24 November,2017).docx