Samaynta Tubta u Qareemidda

Samaynta Tubta u Qareemidda

U qareemidda iyo galaangalka siyaasadeed ayaa loo tixgeliyaa inay tahay qayb muhiim u ah sidii sare loogu qaadi lahaa dajinta siyaasad wanaagsan iyo ka qayb gelinta bulshada barnaamijyada dawladda, maamul wanaagga iyo hubinta helidda xuquuqaha aasaasiga ah ee dadka nugulka ah.   Si loo wanaajiyo siyaasadaha wadanka loona gaaro isbadallada la rajaynayo, PUNSAA waxay garwaaqstay muhiimadda horumarinta baaxaddeeda saamaynta go’aan gaarista. Hadaba si lagu xaqiijiyo dadaallada dalladda ee saamaynta siyaasadaha dawladda iyo in si wadajir ah loo abaabulo qaybaha bulshada rayidka ah sidii ay talo ugu yeelan lahaayeen hogaanka, PUNSAA waxay dajisay tubta u qareemidda ee dalladda. Laga soo bilaabo bartamihii 2012 waxaa dhacay kulamo isdaba joog ah oo ay soo abaabushay dalladu ayadoo isku keentay xubnaha guddiga agaasinka, qaybo ka mid ah golaha guud ee dalladda, xubnaha xoghaynta dalladda iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada rayidka ah. Kulamadaas waxaa loogu Gogol xaarayay astaynta waxyaabaha mudnaanta u leh bulshaada reer Puntland oo ay haboontahay in laga qareemo, waxaa taas xigtay kulan ballaaran oo ay kasoo qayb galeen xubno farsamo oo kasocday Saferworld si loo sameeyo qorshaha iyo tubta qareemidda ee dalladda. Kulanku wuxuu mudnaanta siiyay saddex dhibaato oo ay dalladdu diiradda kusaari doonto u qareemisteeda waxayna kala yihiin; Dhowrista deegaanka, Ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo Helista maamul loo dhanyahay. Intaa ka gadaal qabya qoraalka tubta iyo qorshaha u qareemidda ayaa la dejiyay waxaana laysku raacay samaynta saddex koox hawleed oo ka shaqeeyah ka mira dhalinta himilada dalladda ee saddexdaas arrimood.

 waxaa galiyay maxamad abdirizak