labada dalladood ee PUNSAA iyo SOSCENSA waxay kulan wadatashi ah ku qabteen  magaallada Cadaado, kulanka waxaa kasoo qaybgalay  50 qof oo matalayay bulshada rayidka oo ka kala yimid gobollada dalka. Shirkaas oo ahaa kulan wada tashi oo ujeedadiisu ahayd in la helo cod midaysan oo bulshada rayidka ah ay uga qayb qaadaneyso nabadaynta, dhismaha-dawladnimada iyo hurumarinta dalka.
Ujeeddada labaad ee kulanka ayaa ahayd in laga hadlo lana horseedo sidii loo soo celinlahaa kalsoonidii, iskaashigii iyo nabad kuwada noolaanshihii  ummadda Soomaaliyeed.
Qodobada shirkaas looga hadlay waxaa ka mid ahaa:-
1. Ka heshiinta colaadii dhexmartay ummaddeenna.
2. Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ee ka qeyb-qaadashada  ka talinta aayaha dalka iyo dadka Soomaliyeed iyadoo loo marayo sixidda iyo tayeynta hay’adaha dowliga ah.
3. Astaynta kaalinta bulshada rayidka kaga aadan hanaanka  doorashooyinka 2016 iyo 2020