warmurtiyeed ku saabsan mofqifka bulshada rayidka oo ay kaga soo horjeedo warqada kasoo baxday dawlada puntland riix qoraalka si aad uladagtid 

War-Murtiyeed

Kulan ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan Dalladda daneeyayaasha aan dawliga ahayn ee bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) maanta oo taariikhdu tahay 10kii Sebtember, 2017 laguna qabtay xarunta dalladda ee Garowe, waxa ay walaac ka muujiyeen warqadii kasoo baxday xafiiska wasiirka amniga ee Puntland kuna taariikhaysnayd 09/09/2017 tixraaceeduna ahaa XW/MOS/DDR/PL/093/17 ujeedadeeduna ahayd in aan la qaban Karin wax shir siyaadeed ah.

Dalladdu waxay aaminsan tahay in dawladda Puntland ay ku dhisan tahay mabaadida Dimoqraadiyadda sida ku cad qodabka 3 aad ee dastuurka Puntland.

Dalladda PUNSAA raalli kama noqon karto in la qabto wax shirar ah oo lagu khalkhal gelinayo amniga, xasiloonida iyo jiritaanka Puntland.

Dalladda PUNSAA waxay ku talinaysaa qodobada hoos ku qoran: –

  • Dawladda Puntland inaanay hor istaagin shirarka siyaasadeed ee looga hadlayo masiirka dalka iyo dadka.
  • Dawladdu waa in ay tixgeliso xoriyada fikirka sida uu qorayo qodabka 14 ee dastuurka dawladda Puntland.
  • Siyaasiyiintu waa in ay furtaan xisbiyo siyaasadeed oo ay ku cabbiraan aragtiyahooda siyaasadeed kuna hormariyaan qorshayaashooda.
  • Siyaasiyiintu waa in ay ka fogaadaan qabashada shirar khalkhal gelin kara aminiga iyo xasiloonida dalka.

Mahadsanidiin.

Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA

Faysal Ahmed Warsame