Aasaaska

Kelmadda Guddoomiyaha Dalladda

Dalladda Daneeyayaasha aan Dawliga ahayn ee Puntland waa madal aan dawli ahayn, siyaasadna la xiriirin, taas oo kulmisa daneeyayaasha aan dawliga ahayn ee Puntland. Waxaa la aasaasay bishii May 14keedii, 2008dii ayadoo taageero laga helayo Midowga Yurub taas oo soo maraysa Hay’adda Saferoworld, si loo helo madal ay ururada aan dawliga ahayn kaga qayb qaataan tala ku lahaanshaha siyaasadda iyo saamaynta go’aamadda taabanaya mustaqbalka bulshada heer dagmo, gobol iyo qaranba.

Dalladu waxay kulmisaa qaybo ballaaran oo ka mid ah bulshada rayidka ah kuwaas oo ku kala baahsan dhamaan gobolada Puntland oo ay ka mid yihiin ururada aan dawliga ahayn, ganacsatada iyo qaybaha kala gedisan ee xirfadlayda sida garyaqaanada, suxufiyiinta, barayaasha iyo dhakhaatiirta. Dalladdu waxa ay siisaa bulshada madal ay uga doodaan kuna soo bandhigaan aragtidooda isla markaasna ay isku abaabulaan si ay u horumariyaan himilooyin ay ka midaysanyihiin iyo afkaarta ay xanbaarsanyihiin. PUNSAA waxay ka caawisaa bulshadu in ay hesho goob ay ku mideeyaan codkooda si ay saamayn iyo toosinba ugu yeeshaan siyaasadaha isla mar ahaantaana waxa ay u adeegtaa dalladdu sidii dawladda loola xisaabtami lahaa, sidaa awgeed dalladdu waxay kaabe u tahay shaqada golaha shacabka iyo doorka saxaafadda ee tusmaynta ah. Maadaama PUNSAA ujeedkeedu yahay midaynta qaybaha kala geddisan ee ururada aan dawliga ahayn ee Puntland, waxay ka koobantahay afar waaxood oo ukala baxa todoba qaybood oo kala ah:

Ururada aan dawliga ahayn, oo ay ka mid yihiin (ururada dhalinyarada, ururada haweenka iyo ururada bulshada rayidka ah), Xirfadlayda oo ay ka mid yihiin (saxaafadda madaxa bannan,garyaqaannada, Jaamacadaha, barayaasha, dhakhaatiirta iwm), Odayaasha dhaqanka iyo ugu danbayntii ganacsatada. PUNSAA waxay u taagantahay gaarsiinta Puntland heerarka caalamiga dhinacyada nabad gelyada iyo xuquuqda aadanaha, ayadoo xubnaheeda kala gedisan ay hawlahooda u fushaaan qaab xirfadaysan oo waafaqsan anshaxa iyo xurmaynta xuquuqda aadanaha. Dawladda ayaa ka masuul ah horumarinta shacabkeeda, waxaase muhiim ah in la helo cid dawladda tusaalaysa si aan loo hareer marin himilada horumarinta shacabka, sidaa daraadeed, PUNSAA waxay u martaa hawlaheeda hanaan saaxiibtnimo iyo xiriir dhow oo ay la leedahay dawladda iyo beesha caalamka si loo horumariyo dadka Puntland.

Hal ku Dhegga Agaasimaha Dalladda

Tan iyo aas-saaskii PUNSAA, ka go’o naanshahayaga in aanu uqareeno danaha iyo midaynta codka bulshda rayidka ah ee Puntland wuxuu ahaa mabda’ayaga; waxaan ku haminaynaa in aanu noqono Dalladda Bulshada rayidka ah ee ugu wayn Puntland taasoo wakiilo firfircoon ku leh dhamaan gobolada Puntland. Habka waxqabad ee sanadada soo socdaa wuxuu diirada saari doonaa:- awoodaynta codka bulshda rayidka ah iyo saamaynta in ay u istaagaan danahooda iyagoo u maraya wadaxaajood ay la yeeshaan madaxda ay khusayso, kor uqaadista ka qaybgalka kooxaha kala duwan ee bulshada, fududaynta hanaanka xog is waydaarsi iyo wadatashi ee u dhexeeya dhamaan qaybaha bulshada; iyo in la caawimo arimaha siyaasadeed ee soo fool leh kuwaas oo taageeraya hadafkeeda dimuqraadiyadeed iyo wadatashi ee dhamaan qaybaha bulshada. Wax-qabadyada ugu waawayn ee aanu gaarnay waxaa ka mid ah, ka qaybgelinta Bulshada rayid ka ah ee Siyaasadda saxaafadda, xalinta khilaaf soo jireen ah oo u dhexeeyey Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Dalladda Saxafiyinta Puntland (MAP), ka qaybgalkii hanaan dimuqraadiyeynta iyo in aanu u tabo barnay 60 goob-joogayaal maxali ah oo kormeera doorashooyinka, waxaanu sidoo kale si firfircoon uga qaybgalnay hanaankii ansixinta Dastuurka Puntland, waxaanu diyaarinay tubta u qareemista Dalladda, asaasnay koox hawleedyadii fulinta tubta u qareemista, waxaanuna dhisnay tayada iyo aqoonta koox hawleedyada ee ku aadan u qareemista, Waxaanu abaabulnay noocyada kala duwan ee bulshada si aanu uga qaybgelino una xoojino ka qaybgalka iyo saamaynta bulshada ee hanaanka go’aan gaadhista heer gobol, wadan iyo caalami. Dhamaan Dadaaladan, Guddiga Fulinta PUNSAA, xubnaha Gollaha Guud iyo xoghayntaba waxaa dhiirigeliyey u heelanaanta iyo caawimaadda daneeyayaashda Dalladda, waxaan rajaynayaa in aan afkaartan cusub idinkala sii shaqeyno sanadada soo socda, caawimaadiina iyo fekerkiinu wuxuu lagama maarmaan u yahay guusha shaqadan muhiimka ah, waxaa lagu gaari karaa caawimaadiina oo kali ah.