BAAQ
Hordhac
Ururro ka tirsan Dallada Bulshada rayid ka ah ee PUNSAA ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26/02/2019 shir isugu yimid xafiiska dalladda PUNSAA waxayna aad uga doodeen dhacdooyinka foosha xun oo la xariira tacadiyada ka dhanka ah haweenka ayna ugu dambaysey dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday Gaalkacyo 25/02/2019 lagulana kacay marxuumaddi da’da yarayd ee Caaisha Ilyaas Aadan, waxayna xubnaha dalladdu aad u cambaaraynayaan dhacdadaas aadka u xun, iyagoo walaac ka muujiyey baaqna kasoo saaray sababaha ay usoo noqnoqanayaan dhacdooyinkaa foosha xumi iyo sida aan wax looga qabanayn.
Dhibaatada dhacday
Waxyaaaha keenay inay soo noqnoqdaan dhacdooyinkan foosha xumi waxaa qayb ka ah:
- Waxaa horseed u ah dhibaatooyinkii horay u dhacay oo aan waxba laga qaban
- Odayaasha dhaqanka oo ku dhagan markasta Xeer jajab in arrinta lagu xalliyo
- Dawladda oo aan fulinayn sharciga u degsan arrintan
Sida looga gudbi karo dhibaatooyinkan
- In laga madaxbaneeyo odayaasha dhacdooyinka la xarira tacadiyada ka dhanka ah haweenka
- Waa in ay dawladdu fulisaa tilaabo adagna ka qaadaa cid kastoo ku xadgudubta sharafta iyo xuquuqda dumarka
- Hay’adaha amniga iyo garsoorka waa inay fuliyaan waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta iyo fulinta sharciga
- Waa in aysan waalidku garabsiin wiilashooda iyo cidkastoo kul ugyeelata dhibaatadan ayna la shaqeeyaan laamaha amnga si looga gudbo dhacdooyinkan foosha xun ee soo noqnoqanaya
Gabagabo
bulshada rayidka waxay ku baaqaysaa
- in wacyigalin laga sameeyo dhamaan deegaanada puntland sida goobaha waxbarashada,masaajidyada iyo meelaha kale ee bulshadu ku kulanto
- odayaal dhaqameedku waa inaysan garabsiin farahana kala baxaan dhacdooyinka la xiriira tacadiyada ka dhanka ah dumarka.
- Waa in ay Culimada puntland ka qaataan kaalintooda kaga aaddan dhacdooyinkan la xiriira tacayida loo gaysanayo dumarka .
- Waa in dawladda puntland ay fulisaa sharciga uyaala kufsiga iyadoo lagu salaynayo waxa sharciga islaamka uu ka qabo
Dhammaad